Kismaayo (Sh.M. Network)— Qabanqaabada Shir maamul goboleed loogu samaynayo Gobolada Jubooyinka ayaa ka soconeysa Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka J/hoose.
Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka J/hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Magaaladaasi ay ka socoto qabanqaabada shir la doonayo in uu ka furmo halkaasi 23ka bishan aynu ku jirno, kaasi oo lagu dhisayo maamul ay yeeshaan goboladda J/hoos, J/dhexe iyo Gedo.
Gudi ka qeybqaadanaya habsami u socodka shirkaasi ayaa waxaa sidoo kale la sheegayaa in looga dhawaqay Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka J/hoose.
Jenaral Cabdi Mahad C/salaan oo kamida mas’uuliyiinta wax ka wada qaban qaabada shirkaasi oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in ay jiraan qorshooyin ay ugu tala galeen sida uu hadlka u dhigay dadka jaaliyadaha ah ee ka soo jeeda Jubooyinka.
Janaraalka ayaa carabka ku dhuftay in badi Ergadii ka qeyb galilaheyd shirkaasi ay xaadir ku yihiin Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka J/hoose halkaasi oo lafilayo in 23-ka Bishan uu shirka looga hadlayo Maamul u sameynta Labada Jobo iyo Gedo uu ka furmo.
Shirkan ayaa furitaan kiisa kolhore dib u dhac iyadoo loo aaneeyay arrimo badan oo ay kamid yihiin in qaar kamid ah beelaha dega Jubooyinka ay kabiyadiideen ka qeybgalka shirkaasi oo ay sheegeen in Axmed Madoobe u faragalin ku hayo.
Sh.M.Network



















Comments are closed.