Puntlad oo ka digtay Faragalinta Siyaasadda Maamulkaasi

maalik_som January 3, 2013 Comments Off

Boosaaso(Sh.M.Network)—Wasiirka Amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan oo Khudbad Ballaaran ka jeedinayay Munaasabad ka dhceysay Magaalada Boosaaso ayaa digniin Ujeediyay dadka Faraha kula Jira Siyaasadda Maamulka Puntland oo uusan ka warqabin Maamulku.

Khaliif Ciise Mudan Wasiirka Amniga Puntland ayaa waxa uu tilmaamay in dadkaasi ay caqabad ku yihiin amniga islamarkaana ay sameynayaan tallaabooyin ay ku abaabulayaan bulshada Maamulka Puntland isagoona sheegay in haddii falalkaasi ay ka waantoobi waayaan Maamulku uu tallaabo ka qadi doono.

Wasiirka Aminga Puntland ayaa dhanka kale ka hadlay la dagaalanka Maamulkiisa Ururka Al Shabaab isagoo sheegay in ay sii wadayaan dagaalkooda ku wajahan Al Shabaab iyo kooxaha Ka dagaalama Buura leyda Galgala oo uu tilmaamay in Maalmihii dambe ay ku soo biirayeen Kooxo Al Shabaab ka tirsan oo looga soo itaal roonaaday Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Puntland ayaa waxaa maalmihii dambe muran siyaasadeed uu ka dhex guuxayay siyaasiyiinta iyo Cuqaasha ku dhaqan Maamulkaasi taas oo salka ku heysa doorashada Madaxtinimo ee Maamilkaasi

Comments are closed.

Facebook

Twitter