Prof. Samatar: Waxaa socda laaluush ay qaadanayaan Xildhibaanada

maalik_som September 9, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network) Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Xisbiga Hiil qaran islamarkaana ah Musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynenimo ee dalka Soomaaliya oo ka qeyb qaadanayay Barnaamij gaar ah oo ka baxayay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in Xildhibaanada cusub ee barlamanka Soomaaliya ay yihiin kuwa qaadanaya Lacago laaluush ah oo ka imaanaya Musharixiinta doonaysa xilka Madaxweynenimo. 

Axmed Ismaaciil Samatar ayaa waxa uu cadeeayy in isaga uu ka warqabo in Xildhibaanada barlamanka maalmihii dambe ay si gooni gooni ah ay ula shirayeen Musharixiinta ku sugan Magaalada Muqdisho islamarkaana ay waydiisanayeen lacago si ay usoo doortaan. 

Hadalkaani ayaa waxa uu imaanaya xilli Guddoonka sare ee barlamanka Soomaaliya uu ku wargaliyay Xildhibaanada cusub ee barlamanka inay noqdaan kuwa wax ku doorta qaab cadaalad ah, maadaama dalka uu soo maray marxalado kala duwan, loona baahan yahay in shacabka laga samata bixiyo dhibaatooyinka.

Comments are closed.

Facebook

Twitter