Prof. Jawaari: Xildhibaano ayaa la geyn doonaa gobolada dalka

maalik_som October 3, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh.M.Network)  Guddoonka sare ee barlamanka Soomaaliya ayaa sheegay in Xildhibaanada barlamanka Soomaaliyeed la gaarsiin doono gobolada ay kasoo kala jeedaan. 

Guddoomiyaha barlamanka Soomaaliya Prof. Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Guddoonka barlamanka uu ku howlan yahay sidii Xildhibaanada Soomaaliyeed loo geyn lahaa gobolada ay kasoo kala jeedaan si halkaasi looga furo Xafiisyo oo ay ugu shaqeeyaan dowladda. 

Jawaari ayaa waxa u sheegay in 4-ta sano ee soo socota ay isku dayayaan in barlamanka Soomaaliyeed ay horumariyaan si waliba, isagoo tilmaamay in Xildhibaanada Soomaaliyeed uu ku kalsoon yahay, maadaama uu tibaaxay in %100 ay yihiin dad Aqooyahanno ah sida uu hadalka u dhigay. 

Waa markii ugu horeysay oo laga dhawaajiyo in Xildhibaanada barlamanka ee kasoo jeeda gobolada dalka la gaarsiin doono halkaasi si ay Xafiisyo uga furtaan, ugana shaqo bilaabaan, inkastoo aan la ogeyn sida ay arrintaani suuro gal ku noqon karto.

Comments are closed.

Facebook

Twitter