Muqdisho: (Sh.M.Network) Kullakan ay maanta ku yeesheen xarunta golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho Baralamankii hore ee Soomaaliya iyo Guddoomiyaha barlamanka cusub Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa waxa ay kaga hadleen xuquuqdii ka maqneyd xubnihii barlamankii horee ee KMG ahaa.
Qaarka mid ah xubinhii ku jiray barlamankii hore ayaa waxaa ay tilmaameen in ay ka maqan tahay xuquuq aad u tiro badan, iyagoo sidoo kale xusay in xaqa ka maqan uu yahay mid aan la dafiri Karin, waxana ay intaasi ku dareyn in aysan dhanka dowladda aysan ka heysan wax tixgalin islamarkaana ay hadda codsanayaan in helaan xaqooda.
Goddoomiyaha barlamanka Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari oo isna la hadlay barlamankii hore ayaa sheegay in barlamanka cusub ee dowladda uu ku yimid dadaal ay sameeyeen barlamankii hore, islamarkaana ay mudan yihiin in tix galin gaar ah la siiyo sida uu hadalka u dhigay.
Ugu dambeyn Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in waqti adag ay ku soo shaqeeyeen barlamankii hore sidaasi darteedna ay mudan yihiin in ay helaan waxa ay xaqa u leeyihiin.























Comments are closed.