Prof. Jawaari oo ku guuleystay qabashada xilka Guddoomiye barlaman

maalik_som August 28, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network)  Inkastoo Qasbadasha xilka Madaxtinimo ee Guddonka sare ee barlamanka ay u tarmayeen  Prof Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), Dr. Cali Khaliif Galeyr, Prof C/risaaq Cismaan (Jurille), C/rashiid Maxamed Xiddig iyo Max’ed Rashiid Max’ed, ayaa xilkaasi waxaa ku guuleystay Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo Dr. Cali Khaliif Galeyr ayaa ugu cad caddaa qabashada xilka Guddoomiye barlamaan, iyadoo markii dambe uu ku guuleystay Prof. Jawaari oo maanta oo ay Taariikhda ku beegan tahay 28/08/2012-ka ku guuleystay in uu qabto xilkaasi.

Goobta ay doorashada ka dhacday oo aheyd Xarunta Iskool Buluusiya ayaa waxa goob joog ka ahaa Xubno ka tirsan Beesha Caalamka iyo sidoo kale Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambasador Augostina Mahiga.

Prof. Jawaari ayaa markii uu ku guuleystay qabashada xilkaasi waxaa wajigeesa laga dheehan karay farxad, iyadoo ay jireen Xildhibaano badan oo gacan qaadayay Guddoomiyaha barlamanka cusub ee Jawaari. 

Codadka ay kala heleen Xildhibaanada Wareegga Koowaad ee barlamanka

1-Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo helay 119-cod

2-Prof. Cali Khaliif Galeyr oo helay 77-cod, waxa uu ahaa shaqsiga kaliye ee la tartamayay Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo helay 119-cod, hase ahaatee waxa wax waliba ay is badaleen markii si lama filaan ah uu u tanaasulay Prof. Cali Khaliif Galeyr oo helay 77-cod, iyadoo uu u mahadceliyay Prof. Jawaari.

3-Cabdi Xaashi Cabdullaahi 23-cod

4-C/rashiid Xidig 10-cod, wuxuu Codkiisa ku biiriyay Prof.Jawaari, maadama uu sheegay in uusan waqtiga ku dheereynayn Saaxiibadiisa kale ee tartamaya.

5-Xasan Abshir Faarax 5-cod, wuxuuna codkiisa ku biiriyay Prof.Jawaari.

Haddana waxaa bilaabatay doorashada Guddoomiye ku xiggeenka koowaad ee barlamanka iyo midka Labaad ee barlamanka Soomaaliya.

Wixii kusoo kordhaa kala soco Shabelle.net

 

Comments are closed.

Facebook

Twitter