New York: (Sh.M.Network) — Dowladda Pakistan ayaa Beesha Caalamka ugu baaqday in la taageero Ciidamada AMISOM, iyadoo dhinaca kale sheegtay in taageero ay la garab taagan tahay Soomaaliya.
Ergayga joogtadaha ah ee Dowladda Pakistan u qaabilsan Qaramada Midoobay Mascuud Qaan oo hadal ka jeedinayay Kullan Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ku lahaayeen Magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa waxa uu sheegay in Dowladdiisa ay diyaar u tahay in waji cusub oo xiriir ah la sameyso Dowladda cusub Soomaaliya.
Wakiilka ayaa waxa uu ugu baaqay Beesha Caalamka in la taageero Ciidamada Ururka Midowga Afirka AMISOM ee howlgallada ka wada Soomaaliya si loo soo celiyo ammaanka iyo kala dambeynta.
Mascuud Qaan ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Pakistan ay soo dhaweynayso howlgalladii dhawaan Ciidamada huwanta ah ay kula wareegeen Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose oo ay dhaqaalo badan ka heli jireen Kooxda Al Shabaab.
Ugu dambeyn Dowladda Pakistan ayuu sheegay Egayga gaarka ah in Dowladda Soomaaliya ay ka taageerayaan la dagaalanka Kooxaha burcad badeeda Soomaalida oo dhibaato ku ah Maraakiibta sida sahyada gar-gaar ee isticmaasha biyaha Caalamiga ah iyo kuwa ka baxsan.























Comments are closed.