Odayaal waxagarad kasoo horjeestay degmooyin la magacaabay

maalik_som September 18, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh.M.Network)—Kaddib markii Dowladdii Kumeel gaarka aheyd oo uu hoggaaminayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay dalka kusoo kordhisay gobolo iyo Degmooyin hor leh ayaa waxaa arrintaasi kasoo horjeestay qaar ka mid ah Waxgaradka Soomaaliyeed. 

Ugaas Cabdullaahi Ugaas Saalax oo ka mid ah Waxgaradka Soomaaliyeed oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in magacaabista ku aaddan gobolada iyo degmooyinka laga leeyahay dano siyaasadeed, wuxuuna sheegay in markii degmo la magacaabayo ay waajib tahay inay leedahay adeegyada bulshada oo dhan. Haddii ay sii socota ay dhibaato u horseedi karto Dowladda cusub sida uu hadalka u dhigay. 

Sido kale Ugaaska ayaa waxa uu sheegay in is qab qabsi ay u horseedi karto beelaha Soomaaliyeed oo ku aaddan degmooyinkaani la magacaabay, maadaama degmooyinka lagu soo kordhiyay xilli dalka uu  ku jiray Marxalad Kalaguur ah. 

Hadalkaani ayaa waxa uu imaanayaa xilli ay jireen Mas’uuliyiin kasoo horjeesatay magacaabista degmooyinka cusub iyo gobolada, taasi oo ay ku tilmaameen inay tahay mid khilaaf u horseedi karta beelaha wada dega goobaha la magacaabay.

Comments are closed.

Facebook

Twitter