Muqdisho ( Sh.M..Network ) – Xilli ay isi soo tarayaan baaqyada kala duwan oo loo dirayo xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa odayaal dhaqameedkii ahaa boqol iyo soddon iyo shanta xubnood ee kakala Yimid beelaha Soomaaliyeed waxa ay ka codsadeen Muadanayaasha Baarlamaanka in ay ansixiyaan xukuumadda uu soo dhisay Ra’isal Wasaare Saacid .
Imaam Cumar Macallin Abshir oo ka mid ah odayaal dhaqameedkii soo xulay xildhibaanada oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in loo baahanyahay in karaamada umadda Soomaaliyeed ay soo noqoto waxa uu sidoo kale carabku ku dhuftay in dadka ay iska hor’imaad iyo khilaafyo kala duwan ay ladaallaa dhacayaan sidaa daraadeedna haatan ay lagama maarmaan ay tahay in Baarlamaanka ay ansixiyaan xukuumadda Kooban .
Ugaas Warsame Ugaas Cali Suuleey oo isna ka mid ah odayaal dhaqameedkii soo ansixiyay xildhibaanada Baarlamaanka ayaa Baarlamaanka Soomaaliyeed waxa uu ugu baaqay in ay ansixiyaan xukuumadda.
Ugaaska ayaa waxa uu intaa ku daray in uu waddanku ku jiro Bur Bur iyo dhibaato loona baahanyahay in laga samata bixiyo islamarkaana Wasiiro badan lasoo arkay wax qabad la’aantooda sidaa daaraaded uu Rajo Wanaagsan ka qabo xukuumadda Yare e tayeeysan in ayay wax qabad horseedei doonaan .
Maalinta Birri ah ayaa lagu wadaa Baarlamaanka federaalka Soomaaliya in uu Ra’isal Wasaare Saacid uu horkeeno Golihiisa wasiirada Cusub oo aadka ukooban iyadoona Mudanayaasha Baarlamaanka looga fadhiyo si aqlabiyad leh in ay ku ansixiyaan Maadaama howl adag ay hortaallo dadka iyo dalkana ayb ka sugayaan xukuumaddaasi in ay ka samata bixiso.























Comments are closed.