Muqdisho: (Sh. M. Network) Kullan ay soo qaban qaabiyeen Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ, loogana hadalayay tacadiyada iyo dhibaatooyinka 9-kii bilood ee lasoo dhaafay loo geystay qaar ka mid ah Saxafiyiinta Sooamaliyeed ayaa waxaa ka qeyb galay qeybaha kala duwan ee bahda Saxaafadda Soomaaliya sida Wariyeyaal, Maamullada Idaacadaha ku yaalla Muqdisho iyo Mas’uuliyiin ka socday Ururka Saxafiyiinta qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ.
Kullanka ayaa waxa lagu soo bandhigay Sawirrada ku dhawaad 10-Wariye oo bilihii lasoo dhaafay lagu dilay Soomaaliya kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Wariyeyaal ku waynaa Bahdsa Saxaafadda oo qaarkood ay ka howlgalayeen Idaacadda Shabelle, iyadoo intii uu kullanka socday Nasiib darro lagu tilmaamay in aan jirin cid loo soo qab qabtay dilalkii loo gaystay Wariyeyaashaasi.
Xoghayaha Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ Max’ed Ibraahim Pakistaan oo kullanka kaddib Waraysi gaar ah siiyay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay waxyaabihii ugu muhiimsanaa oo ay kullanka ku fallan qeeyeen, isagoo xusay in kullankoodu uu qeyb ka ahaa sida ugu haboon ee wax loogu qaban karo xaasaska iyo Caruurtii ay ka geeriyoodeen Saxafiyiintii la dilay.
Sidoo kale Max’ed Ibraahim Pakistaan ayaa waxa uu soo hadal qaaday Kaallinta NUSOJ ay ka geysatay Wariyeyaashii ugu dambeeyay ee lagu dhaawacay Magaalada Muqdisho, isagoo tibaaxay in Ururka mar waliba uu u taagan yahay samata bixinta Saxafiyiinta Soomaaliyeed.
Sanadihii ugu dambeeyay ayaa Soomaaliya waxaa ka dhacay gabood falladii ugu darnaa abid ee loo gaysto Saxafiyiinta Soomaaliyeed, waxaana intooda badan dilalkaasi ay ka dhaceen Magaalada Muqdisho, hase ahaatee illaa iyo iminka aan jirin gacan ku dhiigle falalkaasi sharciga loo horkeenay.





























Comments are closed.