Kismaayo (Sh.M.Network)—Kooxo hubeysan ayaa xalay Nin rayid ah ku dilay Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka J/hoose, halkaasi oo ay dhawaan la wareegeen Ciidamada huwanta ah.
Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka J/hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Xaafada Fii-Afmadow oo ka tirsan Magaladaasi lagu dilay Nin rayid ah oo ka midahaa dadka ku dhaqan Magaalada Kismayo sida ay dad goobjoogayaal ah noo xaqiijiyeen.
Dilka kaddib ayaa Magaalada waxaa laga maqlay rasaas iyo madaafiic ka dhaceysay dakada Kismaayo iyo xurumaha Ciidamada huwanta ah ay ku leeyihiin Magaaladaasi.
Goobjooge ku sugan Kismaayo oo la hadlay Idaacaadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in dilkaasi ay geysteen kooxo ku hubeysan Bastoolado, kuwaasi oo uu tilmaamay in ay goobta ka baxsadeen kaddib dilka.
Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, islamarkaana halkaasi ka sameeyeen howlgalo lagu baadi goobayo kooxihii falka dilka ah geystay, hase ahaatee ma cada cid ilaa iyo hada lagu soo qabtay howlgalkaasi.



















Comments are closed.