Hobyo: (Sh.M.Network)—Nin Maraykan ah oo gacanta ugu jira Kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa sheegay in uu ka cabsi qabo in loo gacan galiyo Xarakada Al Shabaab.
Wariye Michel Sckot oo ay Magaalada Gaalkacyo ka afduubteen dabley hubaysan islamarkaana xilligaani gacanta ugu jira Kooxo burcad badeeda Soomaalida ah ee ku sugan deegaanno hootaga degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa waxa uu cabsi ka muujinayaa in Kooxaha iminka gacanta ku haya ay usii gudbiyaan Xarakada Al Shabaab.
Kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa ku hanjabay in Ninkaani Maraykanka ah ay gacanta u gali doonaan Xarakada Al Shabaab haddii aan lasiin muddo 3-maalin ah lacago Madax furasho ah oo ay ka doonayaan.
“ Waxaan ka codsanayaa Wakaaladda Wararka ee aan u shaqeyn jiray iyo Dowladda Maraykanka inay wax ii qabtaan, waayo waxaan ka cabsi qabaa in gacanta la ii galiyo AL Shabaab, dhibaato badan ayaa la kulmay” sidaasi waxa yiri Wariye Michel Sckcot.
Hadalkaani kasoo yeeray Muwaadinkaani u dhashay dalka Maraykanka ayaa waxa uu imaanayaa xilli muddooyinkii dambe Maamulka Galmudug uu sheegayay in uu wax waliba ku bixin doono sii deynta Muwaadinkaasi, maadama laga afduubtay Koofurta Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.




![Kulanka looga hadlayo ka hortaga dhibaatada Loo geysto Saxafiyiinta oo Galay Maalintiisii Labaad [ Sawirro ]](http://shabelle.net/wp-content/uploads/2013/05/IMG_2111.jpg)


















Comments are closed.