Muqdisho: (Sh. M. Network) Ilaa iyo boqol qoys oo ah dadkii horay uga soo barakacay gobolada Koofureed in muddo ahna deegaansanayay nawaaxiga isgoyska Sayidka ee degmada Howlwadaag ayaa waxa deeq isugu jirtay Galey, Sokor iyo Saliid gaarsiiyay NGO-ga maxaliga ah ee Tawakal oo dhawr jeer gacan ka geystay samata bixinta dadka tabaaleysan oo ay macluushu ku heysato Magaalada Muqdisho.
Dadkii la gaarsiiyay deeqdaasi oo lahadlay Shabelle ayaa waxa ay amaan u soo jeediyeen NGO-ga Tawakal oo deeqda soo gaarsiiyay iyo sidoo kale dadkii ugu soo dhiibay.
Xiriiriyaha NGO-ga Tawakal Dr Xasan Xuseen Rooble oo isagu goobtaasi ka hadalay ayaa waxa uu sheegay in deeqda ay soo gaarsiiyeen jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Jarmalka, isgoona xusay in dadkii soo dhiibay deeqdaasi ay iska soo uruuriyeen hal-hal Yuuro taasi oo waxbadan ka tartay nolosha dadkaasi.
Dr Xasan Xuseen Rooble ayaa waxa uu si gaar ah u amaanay haweyneyda lagu magacaabo Xaawo Max’ed oo tibaaxay in ay u olaleysay sidii dadka ku dhibaateysan Magaalada Muqdisho ay wax u helilahaayeen.
























Comments are closed.