Nabadoon lagu dhaawacay Magaalada Kismaayo

maalik_som January 1, 2013 Comments Off

Kismaayo(Sh.M.Network)—Kooxahani oo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa ninkani Suldaanka ahi waxa ay ku dhaawaceen Xaafadda Shaqaalaha ee Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Suldaankaani la dhaawacay ayaa waxaa Magaciisa laga soo gaabiyay Cabdullaahi iyadoo markii ay falkaasi geesteen kooxahaasi Hubeysnaa ay isaga baxsadeen Meesha.

Xiriiro kala duwan oo aan la sameynay Masuuliyiinta dowladda ee ku sugan Gobolka Jubada Hoose si aan waxbadan uga ogaano dhaawaca loo geestay Suldaan cabdullaahi ayeysan inoo suura galin.

Dhawaan ayey hayd Markii dabley hubeysan ay Magaalada Kismaayo dhaawac ugu geesteen Nabadoon Ismaaciil qalinle oo ahaa Guddoomiyihii odayaasha Beesha  Sade isagoona dhaawicii loo geestay ugu geeriyooday Magaalada Muqdisho

Comments are closed.

Facebook

Twitter