Ceelbuur (Sh.M.Network)— Kooxo hubeysan ayaa xalay Nabadoon caan ah ku dilay Magaalada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.
Wararka ka imaanaya degmada Ceelbuur ee gobolka Galagaduud ayaa waxa ay ku waramayaan in xalay halkaasi Kooxo hubeysan ay dileen Nabadoon siweyn looga yaqaanay demadaasi.
Goobjoogayaal ku sugan degmada Ceelbuur oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu xaqiijiyeen dilka Nabadoonkaasi waxaana ay tilmaameen in kooxihii fuliyay dilka ay goobta ka baxsadeen.
Goobjoogayaasha ayaa sheegay in raga dilka geystay lagu tuhun sanyahay in ay ka tirsan yihiin Xarakada Al Shabaab ee waqtigaan gacanta ku haya Magaalada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, waxaana maanta duhurnumadii Nabadoonka lagu duugay qabuuro kuyaalla degmadaasi.
Ma ahan markii ugu horeysay oo Nabadoon caan ah lagu dilo degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud oo ay ka arimiyaan Xarakada Al Shabaab.
























Comments are closed.