Muqdisho: (Sh.M.Network) Hay’adda Nabad Sugidda ee gobolka Banaadir ayaa sheegtay in maanta ay la wareegtay Guryo ay ku jireen Hub iyo walxaha qarxa oo ay lahaayeen dad shacab ah.
Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda ee gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay Xarunta Taliskaasi uu ku leeyahay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka warbixiyay howlgallo ay kusoo qab qabteen hub iyo waxyaabaha qarxa oo ku jiray Gurri ku yaalla degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir.
Ereg ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Nabad Sugidda maanta iyo wixii ka dambeeya ay la wareegeen 3-guri oo ku yaalla gudaha degmadaasi kuwaasi oo laga helay hub farabadan, waxaana uu tilmaamay in markii ay waydiiyeen ciddii iska laheyd Gurriga dadka iska leh Hubka ay sheegi waayeen, taasina ay keentay in lala wareego Gurriga sida uu hadalka u dhigay.
“ Waxaan rabnaa inaan ka warbixino Howlgallo ay sameeyeen Ciidamada Dowladda, waxaan guryo ku yaalla Huriwaa kasoo qab qabanay Hub badan, Cidihii iskalahaa Guryahaasina way sheegi waayeen cidda iska leh hubka, sidaasina waxa guriyaha kula wareegay Ciidamada Naba Sugidda” sidaasi waxa yiri Khaliif Axmed Ereg.
Sidoo kale Taliyaha ayaa waxa uu intaasi ku daray in bambaanooyinka ay kasoo heleen Guryahaasi loo diyaariyay in qaraxyo lagu geysto maalmaha soo sacda, isagoo xusay in howlgallada ay ahaan doonaan kuwa sii socda aan la hakin illaa laga xaqiijinayo ammaanka sida uu hadalka u dhigay.
Hay’adda Naba Sugidda ayaa lagu eedeeyaa in markii ay gacanta kusoo dhigaan dadka dambiilayaasha ah lasii daayo, iyadoo taasi ay walaac xooggan ka muujiyeen dadka qaar oo u dhun duleela Siyaasadda Soomaaliya.






















Comments are closed.