Naafado Xoogga dalka oo soo dhaweeyay R/wasaaraha Somaliya

maalik_som October 7, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh.M.Network) —  Naafada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay  inay soo dhaweynayaan R/wasaaraa cusub ee Soomaaliya, iyagoo dhinaca kale ka dalbaday in uu wax u qabto. 

Xilli gallinkii dambe shalay uu Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Max’ud ku dhawaaqay R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa waxa arrintaasi soo dhaweeyay Ciidanka Naafada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku sugan Isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho. 

Cabdullaahi Max’ed Ducaale oo ka mid ah Naafadaha Xoogga dalka oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay inay soo dhaweynayaan R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya, isagoo ugu baaqay in uu wax u qabto shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidankii Xoogga dalka ee ku naafoobay xoreynta dalkooda sida uu hadalka u dhigay. 

Soo dhaweyntaani ayaa imaanaysa xilli wali ay isa soo tarayaan hambalyada iyo bogaadinta loo jeedinayo R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) kaasi oo looga fadhiyo in uu wax ka qabto Xaaladda dalka.

Comments are closed.

Facebook

Twitter