Muqdisho(Sh.M.Network)—Naafadani oo haatan Ku dhaqan Isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay dowladda Federaalka iyo Hey’adaha Samafalka ugu baaqeen in ay wax u qabtaan Naafadaasi.
Afhayeenka Naafada 77 ee ku jirta Isbitaalka Martiini Cabdullaahi Kirishboy ayaa tilmaamay in ay yihiin dad curyaan ah oo aan wxba qabsan karin islamarkaana daruufo adag ay ku noolyihiin.
Cabdullaahi Kirishboy ayaa sidoo kale Xusay in ay biyo la’aan soo wajahday kadib markii ay cilladoobeen Matooradii biyaha usoo saari jiray islamarkaana aysan Muuqan Cid usmeysa Matoooradaasi ama bixisa Qarashaadkii lagu sameyn lahaa.
Afhayeenka ayaa sidoo kale waxa uu carabka ku dhuftay in ay Jiraan dad badan oo ka tirsan Naafada 77 in ay soo wajaheen xanuuno kala duwan islamarkaana ay ubaahnayihiin daawo.
Ugu dambeyntiinaa Afhayeenk ayaa Madaxda dowladda,Hey’adaha Samafalka iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay kaalmo Beni aadmi nimo lagaaraan























Comments are closed.