Mwai kibaki: Waan soo gaba gabeynaynaa howlgallada Somaliya

maalik_som October 14, 2012 Comments Off

Nairobi: (Sh.M.Network) —  Waxa ka socda Magalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya dabaal xooggan oo loogu dabaal dagaayo sanad guuradii koobaad ee kasoo wareegatay markii ciidamada Militariga dalka Kenya ay soo galeen gudaha dalka Soomaaliya kuwaasi oo la dagalamayay Xarakada Al Shabaab. 

Dabaal dagyada oo ka socda Wasaaradda Difaaca  ee ku taalla magalada Nairobi ee Kenya ayaa waxa hadalo ka jeediyay  Mas’uuliyiin ka kala socda Hay’adaha kala duwan ee dalka Kenya.

Madaxweynaha Dowladda Kenya Mwai kibaki oo la hadlay Shacabka ku nool dalka Kenya ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Milatariga ee dalka Kenya ay gaareen yoolkii ay u galeen Soomaaliya, ayna soo gaba gabeyn doonaan howlgallada ka socda Soomaaliya gaar  ahaan gobolada Koofurta iyo bartamaha. 

General Julius karangi  ayaa tibaxay in ciidamada dalka Kenya ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya ay guteen wajibaadkii ay u galeen dalka Soomaaliya islamarkaana ay bur buriyeen awooddii Al Shabaab ay ku lahaayeen gobolada Jubbooyinka. 

Muddo sanad ah ayaa Ciidamada Kenya waxa ay ku qaadatay inay gacanta ku dhigaan Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose, waxaana xusid mudan in gudaha Magaalda wali ay ka dhacayaan qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay soo abaabulaan Kooxo la aaminsan yahay inay ka tirsan yihiin Xarakada Al Shabaab.

Comments are closed.

Facebook

Twitter