Mwai Kibaki oo Amaanay howlgalka Ciidamada Kenya ay kawadaan Koofurta Somalia

maalik_som February 23, 2013 Comments Off

Eldoret (Sh.M.Netwrok)— Madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki ayaa Amaanay howlgalka Ciidamada dalkiisa ay kawadaan Koofurta Soomaaliya.

Isagoo ka hadlayay Mwai Kibaki, Magaalada Eldoret ee dalka Kenya ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Kenya ee ku sugan Koofurta Soomaaliya ay amaananyihiin, waxanaa uu intaasi ku daray in dowr weyn ay ka qaateen dib u xasilinta dalka Geeska Africa kuyaalla.

Mwai Kibaki ayaa tilmaamay in ay Amaan mudanyihiin xubnihii ka qeyb qaatay qorshihii guuleystay sida uu hadlaka u dhigay ee lagu soo abaabulay howlgalkii Linda Nchi ee Soomaaliya lagu soo qaaday Bartimihii October 2011kii, hadase isku badaly howlgal hoostaga AMISOM.

“Tani waa howl aad u fiican oo ku saleysan sida ay wadaniyadu ugu weyntahay mid kasta oo idinka mid ah (Ciidamada Kenya ee Soomaaliya), waana rajadeena in aad qaadataan mas’uuliyadiina si xirfadi ku dheehantahay” Sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha dalka Kenya Kibaki.

Madaxweynaha dalka Kenya ayaa sheegay in Ciidamadiisa ay dhulbadan ka qabsadeen Al Shabaab oo uu ku tilmaamay in ay qatar badan ku ahaayeen Amaanka Kenya iyo dalka Soomaaliya.

Mwai Kibaki ayaa sheegay in Ciidamo kale oo Kenyan ah oo badala kuwa hada ku sugan Koofurta Soomaaliya tababar uu u soo dhamaaday, islamarkaana la filayo in loo soo diro Soomaaliya.

Ciidamada Kenya ayaa tan iyo markii ay soo galeen Soomaaliya waxa ay gacanta ku dhigeen dhawr Magaalo oo kuyaalla Koofurta Soomaaliya, kuwaas oo ay horay Al Shabaab gacanta ugu hayee.

Xigasho: Nzweek.com

Comments are closed.

Facebook

Twitter