CHICAGO(Sh.M.Network)—Muwaadiniintaan Soomaalida ah ee xukunnada ay ku riday Maxkamad kutaalla waddanka Mareekanka ayaa waxaa lagu soo oogay dacwado la xiriira in ay taageera siinayeen Al Shabab islamarkaana falal la xiriira argigixisanimo ay ka wadeen gudaha dalka Mareekanka
Shakir Masri oo ka mida labada muwaadin ee xukunka uu ku dhacay ayaa lagu eedeeyay in uu isku dayayay weeraro qaraxyaa in uu ka fuliyo gudaha dalkaasi Mareekanka iyadoo Maxkamaddu ay dul dhigtay Xukun xarig gaaraya illaa 10 Sano
Sidoo kale Masri ayaa waxaa la sheegay in uu tababar ku soo qaatay Soomaaliya halka Haweeneyda la xukumayna lagu soo oogay dacwad ku’aadan in ay taageero baahsan ay siineysay Ururka Al Shabaab taas oo iyana ka dib markii la dhageestay dacwadeeda uu ku dhacay xukun xarig dhan illaa 8 Sano
Xabsiyada Mareekanka ayaa waxaa kujira Muwaadiniin Soomaali ah oo dambiyo Kala duwan loo heesto kuwaasi oo ay ka mid yihiin falal Burcad badeednimo iyo Mid argigixiso
























Comments are closed.