Muwaadiniin Somaliyed oo banaanbax ka hordhigay Australia

maalik_som October 14, 2012 Comments Off

Canberra: (Sh.M.Network) —  Muwadiniintaani Soomaaliyeed oo gaarayay boqolaal qof ayaa waxa ay Banaanbax ka hor dhigeen Xarunta barlamanka dalka Australia kuwaasi oo ka cabanayay sharciyo adag oo ay Dowladda dalkaasi kusoo rogtay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool halkaasi. 

Dadkaani ayaa waxa ay sheegeen in Dowladda Australia Muwaadiniinta Soomaaliyeed qaarkood ay siisay Baasabooro, hase ahaate muddooyinkii dambe la dul dhigay sharciyo adag oo ku aaddan inaysan ka bixi karin gudaha dalkaasi. 

Muwaadiniinta Soomaalida ee ku nool dalkaasi ayaa Banaanbaxooda waxa ay baaq ugu direen Madaxda dalkaasi oo ay ka codsadeen inay wax ka qabtaan sharciyada cusub ee lagu soo rogay Dadka Soomaaliyeed. 

Dowlado badan oo Caalamka ah ayaa isha ku haya Soomaalida kasoo tageysa dalkooda, maadaama la aaminsan yahay in dhalinyaro badan oo kasoo tagtay wadamada Caalamka ay ku biireen Xarakada Al Shabaab ee ka dagaalanta gudaha dalka Soomaaliya.

Comments are closed.

Facebook

Twitter