Muqdisho: (Sh. M. Network) Waxaa is casilay Musharixiin u taagneyd qabashada xilka Madaxtinimo ee dalka Soomaaliya kuwaasi oo tiradoodu gaarayso 24-Musharax.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Drs. Maryan Cariif ayaa ka sheegtay Shirka inay aad u mahadsan yihiin Musharixiin u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ee dalka Soomaaliya ee tanaasushaya, waxana Musharixiinta tanaasulay ka mid ah labo Musharax oo kale ah Bashiir Nuur Bidaar iyo Xuseen Khaliif Jaamac, iyadoo ay xusid mudan tahay in horey Tanaasul uu u sameeyay C/raxmaan C/shakuur sida uu sheegay Cismaan Libaax oo ah Afhayeenka Guddiga Doorashada.
Hoolka barlamanka ayaa wali ka socda shirarka, waxanaa buuq iyo sawaxan ka dhashay Madasha shirka, maadaama halkaasi ay soo buuxdhaafiyeen Wafuud Caalami ah iyo Mas’uuliyiin kale oo goob joog ka ah, iyadoo la isku qabsaday Xildhibaano dhawaan uu celiyay Guddiga farsamada muddooyinkii dambena socotay dacwaddooda.
Mahiga ayaa goob joog ka ah Kullanka, iyadoo iminka wali ay hoolka shirarka ku sugan yihiin Xildhibaano iyo Madax ka tirsan Soomaaliya.
TOOS U DHAGEYSO























Comments are closed.