Musharixiin buuxiyay Shuruudihii tartanka Doorashada

maalik_som September 5, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network)   Afhayeenka guddiga Doorashada Madaxtinimo ee dalka Soomaaliya Cismaan Libaax Ibraahim oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in illaa 5-Musharax ay usoo gudbiyeen araajidooda islamarkaana ay buuxiyeen Feelal loogu talagalay inay buuxiyaan.

Cismaan Libaax ayaa waxa uu sheegay in markii hore ay isa soo diiwaan galliyeen illaa 33-Msuharax, hase ahaatee markii loo dhiibay Feelal loogu talagalay inay buuxiyaan ay kasoo jawaabeen illaa 5-Musharax, isagoo tilmaamay in birri kolkii saacaddu ay tahay 5-ta galabnimo ay ku egtahay xilliga qabashada Feellasha, wixii ka dambeeyana aysan jirin Musharax laga aqbali doono Araajidiisa.

Musharixiinta Guddiga Doorashada Magacyadoodu uu soo bandhigay ayaa waxaa ka mid ah…

  1. C/raxmaan Macalin Cabdullaahi Baadiyoow
  2. Dr. C/wali Max’ed Cali Gaas
  3. Max’ed Cabdullaahi Max’ed (Farmaajo)
  4. Cabdullaahi Axmed Caddow
  5. C/waaxid Cilmi Goonjeex

Cismaan Libaax ayaa ku adkeystay in Doorashada Madaxtinimo aysan dhaafi doonin Waqtigii loogu talagalay inay ku qabsoonto ee ah Maalinta Isniinta oo ku beegan 10-ka bishan aan ku  jirno.

Sikastaba ha ahaatee haddii Doorashada Madaxtinimo ee lagu qabanayo Muqdisho ay u hergasho sidii loogu talagalay ayaa waxa ay noqonaysaa mid taariikhi ah oo baal dahab ah ka gasha xusuusta Soomaaliyeed.

Comments are closed.

Facebook

Twitter