Musharaxa Gaas: Wax badan ayaan u qaban doonaan Dhalinyarada

maalik_som September 6, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network)   Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya C/wali Max’ed Cali Gaas ayaa xalay kullan la qaatay dhalinyarada Soomaaliyeed, isagoo  hadal kooban oo uu ka jeediyay kullanka uu sheegay in dhalinyarda ay u baahan yihiin in lacaga caawiyo sidii looga horumarin lahaa dhinacyada wax barashada iyo waxyaabaha kale. 

Dr.Gaas ayaa waxa uu tilmaamay in haddii uu ku guuleysto qabashada xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya uu si gaar ah kala hadli doono dhalinyarada Soomaaliyeed sidii loo horumarin lahaa islamarkaana dhalinyarada ay u noqon lahaayeen kuwa door weyn ka cayaara dib u dhiska dalka Soomaaliya. 

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya C/wali Gaas ayaa mar dhalinyaradii kasoo qeyb gashay kullanka ay waydiiyeen saameynta dhalinyarada ay ku yeellan doonaan haddii uu Madaxweyne noqdo Xukuumadda lasoo dhisi doono ayaa waxa uu sheegay in dhalinyarada ay yihiin tirada ugu badan dadka ku nool dalka islamarkaana ay xaq u leeyihiin in jagooyin sar sare ay ka qabtaan qaab dhismeedka Dowladda cusub ee lasoo dhisi doono. 

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, ahna Musharax u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxa uu waday ololo ku aaddan u diyaar garowga ka qeyb galka tartanka Madaxtinimo ee dalka Soomaaliya, isagoo si gaar ah kullamo ula qaadanayay qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Comments are closed.

Facebook

Twitter