Muqdisho: (Sh. M. Network) Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Max’ed Geeddi ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Sooamaliya.
Prof. Cali Max’ed Geeddi Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo maanta gallinkii dambe soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa shir jaraa’id oo uu u qabtay Warbaahinta waxa uu ku sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in Muqdisho uu soo gaaro sanado kafdib, isagoo u mahad celiyay dadkii ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Prof. Cali Max’ed Geeddi ayaa waxa uu sheegay in uu ka qeyb gali doono tartanka doorashada madaxtinimada ee Soomaaliya, isagoo intaasi raaciyay in uu aad isugu kalsoon yahay, waxaana uu tilmaamay haddii uu ku guuleysto xilka madaxtinimo ee dalka uu ugu horeyn wax ka qaban doono xaaladda dhanka ammaanka iyo sidoo kale isu keenidda shacabka Soomaaliyeed ee mudada dheer dhibaatada ku soo jiray, maadaama laga gudbay xilligii adkaa sida uu hadalka u dhigay.
Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Max’ed Geeddi ayaa dalka isaga tagay sanadda 2007-da xilligaasi oo uu iska casilay xilkii Ra’iisul wasaarenimo, wuxuuna hadda ka mid yahay Musharixiinta u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya.























Comments are closed.