Muqdisho (Sh.M.Network)—Qeybaha kala duwan ee Shacabka ku nool magaalada Muqdisho ayaa Maanta si aad ah uga qeyb qaatay dabaal degga Munaasabada lagu weynaynayo Maalinta 1-aad ee Ciida.
Wadooyinka iyo Meelaha ay dadka isagu yimaadaan ayaa waxaa lagu arkayay dad fara badan oo laga dheehan karay Wejiyadooda farxad aan lasoo koobi Karin iyo Muqaalo wanaagsan, kuwaasi oo isagu hambalyaynayo Munaasabada Ciida.
Baabuurta BL-da iyo kuwa Raaxada ayaa buux dhaafiyay Wadooyin magaalada Muqdisho, kuwaasi oo la ciiriirayay dadweyne hadafkoodu ahaa inay booqdaan Ehelada iyo Asxaabtooda si ay ula aqeybsadaan Farxada.
Mar ay Idaacadda Shabelle ay maanta Microphone-ka la dhexqaaday Caruur iyo dad waaweyn oo ku sugnaa Xaafadaha kala duwan ee Degmooyinka Gobolka Banadir ayaa Dareenkooda ku cabiray Farxada Munaasabada Ciidul Adhxaa, iyagoo qaarkood Tahniyada iyo Salaan hawada u mariyay Eheladooda iyo Shacabka Soomaaliyeed.
Si kastaba, dadka reer muqdisho ayaa uga duwanayd Maanta Ciidihii hore ee lasoo dhaafay xiligaasi oo Magaalada inteeda badan ay ahayd mid kala xiran oo ay dadka ku adkayd inay isku booqdaan Xaafadahooda.



















Comments are closed.