Muqdisho: (Sh. M. Network) Maanta oo ku beegan xilligii lagu ballamay Doorashada Madaxtinimo ee dalka Soomaaliya ayaa waxa si wayn looga dareemayaa gobolada dalka Soomaaliya iyo Magaalada Muqdisho.
Magaalada Muqdisho oo ah Madasha loo ballansanyahay inay ka dhacdo Doorashada Soomaaliya ayaa waxaa saakay lagu arkayay Ciidamo badan oo ka tirsan Dowladda iyo kuwa AMISOM oo suu buuxdhaafiyay waddooyinka waa wayn ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan kuwa gala Xarunta Iskool Buluusiya oo ay ka dhacayso Doorashada dalka.
Aragtiyada kala duwan ee shacabka ku nool Magaalada Muqdisho iy gobolada dalka ayaa saakay ah kuwa isku mid ah, waxaana ay ka mideysan yihiin Farxadda ku saleysan markii ugu horeysay oo doorashooyin Madaxtinimo lagu qabto Magaalada Muqdisho.
Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ayaa dhankooda ballan qaaday adkeynta ammaanka Magaalada Muqdisho xiliga ay dhaceyso Doorashada, waxaana maanta Muqdihso ay ka duwan tahay sidii hore, maadaama dareenka shacabka uu hal meel u jiheysan yahay kaasi oo ah cidda noqon doonta Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya.
Xaaladda Muqdisho ayaa saakay ku waabariistay farxad iyo reereyn, maadaama Muqdisho oo ah Caasimadda dalka ay nasiib u yeellatay inay marti galiso Muddo 20-sano kaddib Doorashooyin Madaxweynenimo oo ka dhaca. Waxaana su’aasha shacabka Soomaaliyeed ay is waydiinayaan ay tahay cidda ku guuleysan doonta Madaxweynaha Soomaaliya iyo waxa dhici doono Doorashada kaddib?
Wixii kusoo kordha kala soco Shabelle.net























Comments are closed.