Muqdisho: (Sh. M. Network) Maanta oo Axad ah waa maalintii ugu dambeysay olalaha Doorashada Madaxtinimo ee dalka Soomaaliya, waxaana waddooyinka waa weyn ee Magaalada Muqdisho qaarkood gooshaya Gaadiid aad u farabadan oo ay ku xardhan yihiin Sawirrada inta badan Mushariiinta u taagan qabashada Xilka Madaxtimo oo qaarkood ay wehliyaan Gaadiid Gaashaaman oo ay saaran yihiin Ciidamo ka tirsan Dowladda Federalka Soomaaliya.
Horey waxaa u jiray Digniino ay jeediyeen qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Dowladda KMG ah ee xilligeeda uu dhamaaday kaasi oo ku qotomay in Ciidamada qalabka sida aan loo adgeesan dano gaar ahaaneed, hase ahaatee Waxgaradka, Aqoonyahannada iyo Siyaasiyiinta Muqdisho ayaa maanta waxa ay jeediyeen digniin ku aaddan qal qal ku yimaada ammaanka Magaalada Muqdisho.
Qaar ka mid ah Waxgaradka, Aqoonyahannada iyo Siyaasiyiinta ku dhaqan Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamada qalabka sida ay Mas’uuliyad ka saaran tahay sugidda ammaanka Magaalada Muqdisho, iyagoo dhinaca kale ugu baaqay Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimo Ciidamada gaarka ah ee ilaalinaya aysan u adeegsan qaab siyaasadeed oo dhibaato dhalin kara haddii looga taag roonaado Doorashada Madaxtinimo oo maalinta biri ah lagu wado inay ka dhacdo Muqdisho.
Muqdisho muddo ka badan 21-sano waxaa ka jiray dagaalo soo maray wajiyo kale, hase ahaatee Dowladdii KMG ee waqtigeedu dhamaaaday ayaa usuuro gashay inay gacanta ku dhigto Kontorolka Magaalada Muqdisho, waxaan dhawaan Guddoomiyaha barlamanka Soomaaliya uu cod dheer ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan xasiloonida iyo ammaanka dalka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho.























Comments are closed.