Muqdisho(Sh.M.Network)—Munaasabadahani oo ahaa kuwa ballaaran islamar ahaantaana lagu sagootinayay Sanadkii tagay ee 2012 laguna soo dhaweynayay sanadka Cusub ee 2013ka ayaa xalay waxay siyaabo kala duwan uga dheceen Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir.
Degmooyinka Shibis,Xamar Jajab,Dayniile ayaa ka mida Degmooyinka sida weyn looga xusay soo dhaweenta sanadka 2013ka.
Munaasabad si heersaraa loo soo agaasimay islamar ahaantaana ay ka qayb galeen Xildhibaano Wasiiro iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu qabtay Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.
Xildhibaano ka tirsan dowladda Soomaaliya oo kulanka Ka hadlay ayaa ku dheeraaday ka sheekeenta Muhiimadda uu lahaa sanadkii tagay ee 2012 iyagoona Carabka ku dhuftay in sanadkaan uu yahay sanadkii Soomaaliya ay ka bixi lahayd dhibaatooyinkii Colaadaha ee Soomaaliya ay ku jirtay in kabadan 20 Sano
Munaasabadaha ayaa ku soo dhamaaday Jawi Degan waxaana ka qayb galayaashii Munaasabadaha ay isugu hambalyeenayeen Sanadka Cusub 2013ka























Comments are closed.