Muqdisho(Sh.M.Network)—Munaasabadani oo ahayd mid ballaaran kana soo qayb galeen Masuuliyiin ka tirsan Golayaasha dowlada Marti Sharaf kale Fanaaniin,Bar baarta Gaashaaman ayaa lagu xusayay soo dhaweenta Sanadka Cusub ee 2013 iyadoo lagu sii sagoootinayay sanadkii tagay ee 2012 taas oo ka dhacday Xarunta National Theater ee Magaalada Muqdisho
Munaasabadda oo ahayd mid si heersaraa loo soo agaasimay ayaa waxaa halkaasi hadallo kala duwan ka jeediyay Masuuliyiinta Munaasabadda joogtay sida Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ee dowladda Soomaaliya ,Wasiiro,Xildhibaano iyo marti sharaftii kale ee Goobta Joogtay.
Fanaaniinta Hobollada Waaberi ayaa halkaasi ka qaaday Heeso kala duwan oo ay ugu talagaleen Munaasabadda Sanadka Cusub ee 2013.
Waxa Fanaaniinta halkaasi Heesaha ku soo bandhigay Ka midahaa Fanaanka Reer Jabuuti Farxaan Xidig isagoo sidoo kalena halkaasi qudbad qaayo leh ka jeediyay oo alla uga baryay shacabka Soomaaliyeed in ay helaan Nabad Waarta
Bar baarta Gaashaaman ayaa iyana ciyaaro la jecleystay halkaasi ku soo bandhigay iyadoo Masuuliyiintii qudbadaha halkaasi ka jeediyay ay urajeeyeen umadda Soomaaliyeed Guul barwaaqo iyo Nabad waarta in ay Ku gaaraan Sanadkaan Sanadkiisa xiga.
Sikastaba Munaasabada ayaa ku soo gaba gabowday Sidii loogu talagalay iyo jawi ay ku jirto farxad iyo Baraaro.























Comments are closed.