Munaasabad lagu soo dhaweynayay Gudoomiyaha Ururka Haweenka oo Muqdisho ka dhacday

maalik_som November 1, 2012 Comments Off

Muqdisho-(Sh.M.Network)—Munaasabadani oo lagu soo dhaweynayay Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Ubax Tahliil Warsame ayaa waxaa ka soo qayb galay Haween dhalinyaro iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ayaa waxa ay ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Dadkii ka soo qayb galay Munaasabaddaasi oo wajiyadooda laga dareemayay Farxad islamarkaana lulalayay Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa gudoomiyaha waxa ay uga hortageen Garoonka diyaaradaha Aadan cadde Air-Port oo ay kasoo dageysay diyaaraddii siday Ubax Tahliil Warsame Guddoomiyaha Cusub ee Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed.

Ugu horeen Ubax Tahliil Warsame oo Saxaafadda kula hadashay gudaha Air-Portka Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay uga Mahad celisay dadkii kala duwanaa ee sida weyn ugu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Ubax Tahliil Warsame ayaa waxa ay ka warbixisay dalalka ay safarada kusoo martay, iyadoona sheegtay in dalalka  Uganda Burundi iyo Kenya ay kula soo kulantay Haween fara badan kuwaasi oo ay sheegtay in ay ka wada hadleen  sidii ay dalkooda hooyo ugu soo laaban lahaayeen iyo in haweenka ay ka shaqeeyaan Nabadda.

Ubax Tahiil Warsame  ayaa waxa dhawaan loo doortay  inay noqoto Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed  ka dib markii cod aqlabiyad leh ay kaga guulaysatay 3- Haween oo kula tartamaysay qabashada xilkaasi.

Daawo Sawirada Soo dhaweynta Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed

 

 

 

 

 

 

 

Comments are closed.

Facebook

Twitter