Afgooye ( Sh.M.Network) Kadib Munaasabad Ballaaran oo lagu Maamusayay Ciyaar dhaqameedka Istunka oo ay ka soo qayb Galeen Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Sh/hoose ayaa shalay waxa ay ka dhacday Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose.
Cali Sheekh Cabdullaahi Afgooye oo Ka mid ahaa Xildhibaanadii Hore ee Baarlamaanka KMG ahaa oo ka hadlay Munaasabaddaasi ayaa waxa uu sheegay in wax lagu Farxo ay tahay in Muddo afarsano kadib Ciyaar dhaqameedka Istunka lagu qabto oo Caanka ay ku ahayd Degmadaasi Afgooye
Sidoo Kale Axmed Cabdullaahi Ibeey oo Ka hadlay Munaasabaddaasi ayaa waxa uu sheegay in Sanadkasta la qaban doono Ciyaar dhaqameedka Istunka isagoona dadka Shacabka Degmadaasi ugu baaqay in Si Xuriyad ah ay U dhigan Karaan Ciyaar dhaqameedkoodaasi.
Degmada Afgooye oo caan ku ahayd Ciyaar dhaqameedka Istunka ayaa intii ay Gacanta ku hayeen Ururka Al Shabaab ayaanan Lagu qaban iyadoo haatan Markale dib boorka Looga Jafayo




![Kulanka looga hadlayo ka hortaga dhibaatada Loo geysto Saxafiyiinta oo Galay Maalintiisii Labaad [ Sawirro ]](http://shabelle.net/wp-content/uploads/2013/05/IMG_2111.jpg)


















Comments are closed.