Muqdisho(Sh.M.Network)—Xildhibaan Muuse Sheekh Cumar oo Ka mida Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa Saxaafadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay dhibaatooyinka isugu Jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray sanadkii tagay ee 2012ka.
Xildhibaanka ayaa xusay in Saxafiyiinta Soomaaliyeed ay Mudanyihiin in la abaal Mariyo Maadaama ay ku soo shaqeeyeen Marxalado kala duwan isagoona Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ayna Garab istaagaan Saxafiyiinta si ay ugu shaqeeyaan Shacabka Soomaaliyeed.
Xildhibaan Muuse Sheekh Cumar ayaa ugu dambeyntii Xukuumadda Soomaaliya ugu baaqay in ay ka hortag ku sameyso dilalka Saxafiyiinta loogu Geesto gudaha dalka Soomaaliya.
Sanadkii tagay ee 2012ka ayaa waxaa dalka Soomaaliya lagu dilay Wariyaal Gaaraya illaa 18 Saxafi xilli ay ku guda Jireen Gudashada Waajibaadkooda Shaqo iyadoona ay Xusid Mudantahay in aysan Jirin dad loo soo qabtay Dilka Wariyayaashaasi.























Comments are closed.