Mudanayaasha Baarlamaanka oo soo dhaweeyay imaanshiyaha wafdiga Jabuuti

maalik_som December 13, 2012 Comments Off

Muqdisho(Sh.M.Network)—Iyadoo Maalintii shalay Magaalada Muqdisho ay soo gaareen wafdi ka socda dowladda Jabuuti gaar ahaan Guddoonka Sare ee Baarlmaanka Dalka Jabuuti ayaa booqashadaasi waxaa soo dhaweeyay qaar ka mida xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya

Xildhibaanadaasi oo la hadlay Radio Shabelle ayaa waxa ay  sheegeen  in ay aad usoo dhaweenayaan booqashada uu Muqdisho ku yimid Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti iyo Wafdi uu hogaaminayo

Xildhibanaada ayaa waxa ay tilmaameen in booqashadaasi ay tahay mid Muhim ah islamarkaana wanaajineysa Xiriirka labada dal Soomaaliya iyo Jabuuti iyagoona dhinaca kale sheegay in dowladda Jabuuti kaalin aan la xaqiri karin ay ka qaadatay ka bixitaanka xilliga KMG

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka waxaa Maalintii shalay booqasho ku yimid wafdi uu hor kacayo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti kuwaasi oo si weyn ay ugu soo dhaweeyeen Gegida diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho Guddoonka Sare ee Baarlamaanka iyo Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya

Comments are closed.

Facebook

Twitter