Midowga Yurub oo kordhinaya la dagaalanka burcad badeeda Somalida

maalik_som August 22, 2012 Comments Off

Nairobi: (Sh. M. Network)  Ururka Midowga Yurub ayaa sheegay inuu sii laba jibaarayo howlgalka la dagaalanka ee Kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

Warsaxafadeed kasoo baxay guddiga u qabilsan arrimaha dibadda Ururka Midowga Yurub ayaa lagu shegay in Ururka uu sii laba jibaraayo howlgalka ay wadaan ciidamada Atlanta ee la dagaalanka kooxaha burcad badeeda Soomaalida ee ka howlgala Xeebaha dalka Soomaaliya.

Guddiga ayaa tibaaxay in waqti aan lacayimin lagu khordhiyay howlgalka Atlanta ee la dagalanka kooxaha burcad badeeda Soomaalida oo waqtigoodu ku ekaa sanadda 2014-ka.

Dhinaca kale warsaxafadeedka  kasoo baxay guddiga u qabilsan Ururka Midowga Yurub arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay in ciidamada isku dhafka ah ee Atlanta ee la dagaalanka kooxaha burcad badeda Soomaalida ay ku gulaysteen inay hoos u dhigaan weeraradii ay qaadayeen burcadda Soomaalida ee ka qowlaysato Xeebaha Soomaaliya, badweynta India iyo gacanka cadmeed.

Comments are closed.

Facebook

Twitter