Muqdisho: (Sh.M.Network) —Ururka Midowga Afrika ayaa soo dhaweeyay magacaabista R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya xilli dalka Soomaaliya uu cagaha lasii galayo siyasado cusub.
Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador Boubacar Diarra ayaa soo dhaweeyay R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo uu magacaabay Madaxweynahaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya.
Ambassador Boubacar ayaa ku tilmaamay magacaabista R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya inay tahay tallaabo muhiim ah oo horey loogu qaaday nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya, isagoo xusay in howlaha hadda socda ay yihiin kuwa isbadal cusub lagu galinayo Soomaaliya.
Midowga Afrika ayaa sidoo kale ku amaanay Madaxweyne Xasan Sheekh Max’ud soo magacaabistiisa R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya, isaga oo maray si waafaqsan Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Soomaaliya.
Munaasabad ka dhacday Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa shalay lagu magaabay R/wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabid Faarax Shirdoon (Saacid).























Comments are closed.