Nairobi: (Sh. M. Network) Ururka Midowga Afrika ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamo wax ka qabta ammaanka dalalka Soomaaliya iyo Mali ay tababarayaan.
Warbixin kasoo baxday Ururka Midowga Afrika ayaa faah faahin looga bixiyay dadaallo Ururka uu sheegay in uu ugu jiro sidii Nabad loogu soo dabaali lahaa Labada dal ee dhaca Qaaradda Afrika ee Soomaaliya iyo Mali.
Ururuka ayaa sheegay in labada dal hadda ay u xareeyeen Ciidamo Kumanaan ah oo ka qeyb qaadan doona dadaallada rajo soo cellinta ah ee dalalkaasi oo ay dhibaatada ku gaamurtay.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in Ciidamada Soomaalida ah ee tababarka loo fidinayo ay wax ka qaban doonaan dhibaatada gaaraysa Haweenka iyo Caruurta ku dhaqan dalka Soomaaliya ee saameynta ay ku yeesheen.
Ururka Midowga Afrika ayaa horey u shaaciyay in Ciidamo badan oo Soomaali ah ay tababar ugu fidiyeen Magaalada Kampala ee Dalka Uganda kuwaasi oo wax badan ka qabtay ammanka dalka Soomaaliya.























Comments are closed.