Mid ka mid ah Wasiirada Ra’iisulwsaare Saacid oo lagu Soo Dhaweeyey Muqdisho

maalik_som November 9, 2012 Comments Off

Muqdisho ( Sh.M..Network ) –Waxaan Maanta si weyn loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalada muqdisho Wasiirka howlaha guud muxyidiin Maxamed kaalmooy  Ee uu Dhawaan uu Soo magacaabey Ra;iisul wasaare Cabdi faarax shirdoon Saacid .

Wasiirka Howlaha Guud muxyidiin Maxamed kaalmooy waxaa garoonka ku soo dhaweeyey Wasiiradii hore amuuraha haweenka maryan aweys Boqorka beelaha jareer weyn boqor boqor faarax  iyo xubna ka mid ah haweenka Soomaaliyeed  waxa uuna sheegey xiliga la magacaabeyey inuu joogey Dalka Liibiya uuna ahaa Qunsulka Soomaaliya u Fadhiya Halkaasi waxa uuna ka warbixyey sababta uu u imaadey xiligan in ay tahay in uu gato mas’uuliyada loo magacaabey  .

Tan iyo Markii Ra’iisulwasaare Saacid uu soo magacabey Xukuumadiisa oo ka koobnaan doonto ilaa iyo 10 Wasiir ayaa waxaa soo badanayey raagteedaa bulshoweynta soomaaliyeed ay u soo jeedinayaan waxa ayna ugu baaqeen in si buuxda loo ansixiyo oo ay tahay xukuumada ka samata bixin karta dhiibatada shacabka Soomaaliyeed haysatey 22 kii sano ee la soo dhaafey

 

 

 

 

 

 

Comments are closed.

Facebook

Twitter