Meydka wiil dhalinyaro ah oo lagu arkay Garasbaaleey

maalik_som August 26, 2012 Comments Off

Muqdisho- (Sh. M. Network) –   Meydka Wiil dhalinyaro ah oo jirkiisa ay ka muuqatay rasaas farabadan ayaa lagu arkay Deegaanka Garasbaaleey ee duleedka Magaalada Muqdisho. 

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ah oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa ay sheegeen in Meydka wiilka dhalinyarada ah uu muddo yaallay Warshadii hore ee Jilayga oo aan sidaasi uga fogeyn deegaanka Garasbaaleey, iyagoo sheegay in jirkiisa ay ka muuqatay rasaas xooggan. 

“Meydka mala aqoonsan karo, muddo ayuu yaallay halkaasi, wuxuu ku jiray meel howd ah, lama yaqaano cidda dishay” sidaasi waxa yiri mid ka mid ah dadka deegaanka ah. 

Dadka ayaa waxa ay sheegeen in iminka ay ku howlan yihiin inay aasaan meydkaasi oo la aqoon san la yahay. 

Muqdisho ayaa ku batay dilalka qorsheysan ee loo gaysto dadka rayidka ah, iyo Mas’uuliyiinta kale ee Dowladda, waxaana dadka reer Muqdisho ay isku dareen ka noqdeen dilalka qorsheysan.

Comments are closed.

Facebook

Twitter