Meydka Wiil Ceejo lagu dilay oo lagu arkay Hodan, Muqdisho

maalik_som October 1, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh.M.Network)  Meydka Wiil dhalinyaro ah ayaa maanta lasoo dhigay Suuqa Qaadka degmada Hodan ee gobolka Banaadir. 

Sida ay Idaacadda Shabelle u xaqiijiyeen dadka deegaanka, Barqonimadii maanta ayaa Suuqa uu kusoo dago Qaadka ee ku yaalla gudaha Magaalada Muqdisho waxaa lagu arkay Meydka wiil da’diisa lagu qiyaasay 12-jir kaasi oo sida la sheegay Ceejo lagu dilay. 

Faadumo Cumar Jaamac oo ka mid ah Haweenka uu qaadka ugu soo deg Suuqaasi oo la hadashay Shabelle ayaa waxa ay sheegtay in Wiilkaasi uu ka mid ahaa dhalinyarada ka xamaalata Suuqa Qaadka, iyadoo xustay in aan la ogeyn sababta loo dilay wiilkaasi. 

“ Meydkiisa hadda ayaa la qaaday, Ceejo ayaa lagu dilay, waa wax lala yaabo qof dishayna lama oga” sidaasi wax tiri Faadumo Cumar.

Goobta lagu arkay Meydka Wiilkaasi ayaa waxa gaaray Ciidamada Dowladda  Soomaaliya kuwaasi oo howlgallo baaritaanno ah ka wada halkaasi, iyagoo su’aal waydiinaya dadkii Saaxiibada dhow uu la ahaa wiilkii la dilay. 

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa waxa kusoo kordhaya dilalka qorsheysan ee loo geysto dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan iyo kuwa kale ee wax galka u ah bulshada, iyadoo aan jirin illaa iyo iminka tallaabo muuqata oo la qaaday oo wax looga qabanayo dhibaatooyinkaasi.

Comments are closed.

Facebook

Twitter