Meydka Wariye qoorta laga jaray oo lagu arkay Huriwaa, Muqdisho

maalik_som September 27, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh.M.Network) Meydka Wariye ka tirsanaa kuwa howlgala Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa lagu arkay Xaaafadda Suuqa Xoolaha degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir. 

Dadka deegaanka oo cabsi iyo wal wal ka muujiyay arrintaani ayaa waxa ay sheegeen in Meydka wariyaha uu ka go’an yahay qoorta islamarkaana lasoo dhigay Xaafadda Suuqa Xoolaha. 

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray C/raxmaan Max’ud Cali, waxaana la sheegay in uu u shaqeyn jiray Website, iyadoo aan la ogeyn cidda dishay iyo sababta loo dilay. 

“ Meydka waxaa arknay gallinkii dambe ee maanta, Qoorta ayuu ka jaran yahay, dadka oo dhan ayaa cabsi ka qaba arrintaani” sidaasi waxa yiri mid ka mid ah dadka deegaanka oo ka gaabsaday magaciisa. 

Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa halkaasi baaritaanno ka wada, waxaana la ogeyn cidda ay kusoo qab qabteen howlgallada.

Dilka wariyahaani ayaa waxa uu noqonayaa kii Shanaad ee muddo bil ah gudahooda lagu dilo Magaalada Muqdisho.

Comments are closed.

Facebook

Twitter