Meydadka rag ka tirsan Al Shabaab oo yaalla Afmadow, Jubbada hoose

maalik_som August 30, 2012 Comments Off

Afmadow: (Sh. M. Network)    Meydadka rag ka tirsanaa Al Shabaab iyo dhaawacooda ee kuwa kale ayaa lagu arkay degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose.

Sida ay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho u xaqiijiyeen dad deegaanka ah, saakay ayaa gudaha degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose waxaa lagu arkay Meydadka rag ka tirsan Al Shabaab iyo kuwa kale dhaawca ah.

Meydadkaani  ayaa lagu soo waramayaa inay gaarayaan illaa 4-ruux iyo labo kale oo dhaawac  ah sida la sheegay, waxaana saakay dadka ay ku mashquulsan yihiin daawashada Meydadkaasi.

Goobjoogashaasha ayaa sheegay in Meydadkaani ay ahaayeen dagaal shalay ka dhacay duleedka Afmadow, kaddib markii Ciidamo ka tirsan Dowladda oo kasoo ambabaxay halkaasi kuna sii jeeday deegaanno hoostaga Kismaayo, hase ahaatee ay dhexda u galeen Al Shabaab.

“Meydadkaani waxay ku dhinteen dagaal shalay ka dhacay duleedka Magaalada, Al Shabaab ayay ka tirsan yihiin” sidaasi waxa yiri mid ka mid ah dadka deegaanka ah.

Sidoo kale dad deegaanka ah ayaa sheegay in Afmadow la keenay Maxaabiis ka tirsan Al Shabaab.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ku aaddan Meydadkaasi iyo dhaawac raggaasi kale, inkastoo xaaladda iminka ay degan tahay, islamarkaana uusan jirin wax war ah oo kasoo baxay Al Shabaab.

Wixii kusoo kordhaa kala soco Shabelle.net haddii Alle Idmo.  

Comments are closed.

Facebook

Twitter