Balad-Xaawo: (Sh. M. Network) Meydadka dad la dilay ayaa lagu arkay Magaalada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo.
Sida ay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya, 3-ruux oo meyd ah ayaa lagu arkay gudaha Magaalada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo.
Saraakiisha ayaa sheegay in raggaani ay wateen Miinooyin islamarkaana ay doonayeen inay ku aaseen gudaha Magaalada, hase ahaatee ay iyagu ku qaraxday sidaasi naftoodu ay ku waayeen.
Dad deegaanka ah ayaa u sheegay Idaacadda Shabelle in xalay Ciidamo ka tirsan Dowladda KMG Soomaaliya ay gudaha u galeen Guri ku yaalla Magaalada islamarkaana ay kasoo saareen 3-daasi ruux, ayna toogteen.
Saraakiisha ayaa la sheegay inay diideen in seddexdaasi Meyd la qaado, markii ay muddo yaalleen gudaha Magaalada gaar ahaan naawixiga aargada, kaddib ay ogolaadeen in la qaado.
Majiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Magaalada Balad-Xaawo ee Dowladda KMG ah oo ku aaddan dilalkaasi, hase ahaatee muddooyinkii dambe ayaa xaaladda Magaaladaasi waxa ay aheyd mid xasiloon.























Comments are closed.