Kismaayo: (Sh.M.Network) — Meydadka Askar Kenyan ah iyo kuwa kale oo Soomaali ah ayaa laga helay Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose.
Sida laga soo xigtay Afhayeen u hadlay Waaxda Difaaca ee Dowladda Kenya oo lagu magacaabo Emmanuel Chirchir, Ciidamada Kenya ee AMISOM ayaa Magaalada Kismaayo ka helay Meydadka afar qof oo ay sheegeen inay ahaayeen Ciidamo ka tirsanaa kuwa Kenya iyo Dowladda Soomaaliya.
Chir chir ayaa waxa uu sheegay in afartaani Askari oo Meydadkooda la helay ay ahaayeen Askar Kenyan ah oo la laa in muddo ah, waxaana uu intaasi ku daray in Sidoo kale la helay Meydka Askari Soomaali ah oo la rumeysan yahay in Shabaabka ay qudha ka jireen.
Meydadka ayaa laga helay meel u dhow Xeebta Magaalada oo la sheegay in si wadar ah ay Al shabaab ugu aaseen sida laga soo xigtay Afhayeenka Ciidamada Kenya, isagoo intaasi ku daray in arrintaasi ay ka caawiyeen dadka ku dhaqan Magaalada Kismaayo ee Jubada hoose.
Al Shabaab ayaa la xusuustaa in Saldhigga Magaalada Kismaayo ay kusoo bandhigeen Askar isugu jirta Ciidamada Dowladda iyo kuwa Kenya oo la sheegay in la dilay xilligii ay Magaalada haysteen Al Shabaab.























Comments are closed.