Maxkamadda sare oo u fariinaysa go’aanka Xildhibaanada lasoo celiyay

maalik_som August 28, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network)  Iyadoo shalay lagu waday in Maxkamadda sare ee dalka ay go’aan ka gaarto dacwad ka dhan ah guddiga Farsamada ee barlamanka cusub ee Soomaaliya oo ay soo gubdiyeen Xildhibaano laga soo saaray Liiska cusub ee barlamanka Soomaaliya ayaa maanta mar kale waxa lagu wadaa in Dacwadoodu ay dhageysto Maxkamadda sare ee dalka.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dowladda KMG ah Ceydiid Ilka-Xanaf oo shalay Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in Xildhibaano gaaraya illaa 20-Mudane ay dacwad ka dhan ah Guddiga Farsamada ay horkeeneen Maxkamadda islamarkaana wuxuu intaasi ku daray in qof waliba oo Soomaali ah uu xaq u leeyahay in uu dacwad horkeeno Maxkamadda sare ee dalka sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaanada laga saaray Liiska cusub ee barlamanka ayaa qaarkood waxa lagu eedeeyay inay ahaayeen hoggaamiye kooxeedyadii ka jiray dalka, iyagoo sidoo kale qaarkood lagu eedeeay inay geysteen tacadiyo ka dhan ah bini’aadannimada.

Ugu dambeyn maanta ayaa mar kale waxaa lagu wadaan in dacwaddii ka dhanka  aheyd guddiga Farsamada ay qaaddo Maxkamadda, iyadoo arrintaani muran xooggan ka dhex dhalisay Saxiixayaasha Road-Map-ka

Comments are closed.

Facebook

Twitter