Maxkamadda sare oo dib u dhigtay go’aanka Xubnihii laga soo celiyay barlamanka

maalik_som August 27, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network) Fadhigga Maxkamadda sare oo ahaa mid si aad ah loo wada sugayay, laguna waday inay go’aan ka gaarto Xubnihii ay soo celiyeen guddiga farsamada ee soo xulista Xildhibaanada cusub ee barlamanka Soomaaliya ayaa waxaa goob joog ka ahaa inta badan Xubno Maxkamadda u gudbiyay dacwad ka dhan ah guddiga Farsamada, inkastoo Mas’uuliyiinta guddiga Farsamada oo shalay Maxkamadda u yeertay aysan kasoo qeyb gallin fadhiga Maxkamadda.

Maxkamadda ayaa ugu horeyn waxaa furay Guddoomiyaha Maxkamadda sare Ceydiid Ilka-Xanaf kaasi oo furitaankiisa kaddib hadalka kooban oo uu ka jeediyay fadhiga Maxkamadda sare uu ku sheegay in kullan Muqdisho ay ku yeesheen afar ka mid ah Saxiixayaasha Soomaaliya ay awood ku siiyeen in Maxkamadda sare ay go’aan ka gaarto Xubnaha guddiga Farsamada uu dib kaga soo celiyay barlamanka Soomaaliya.

Ilka Xanaf ayaa waxa uu sheegay in dacwadda ay usoo gudbiyeen Xubnaha loo diiday inay ka mid noqdaan Barlamanka Soomaaliya dib loogu dhigay go’aan ka gaaristeeda, illaa birito labada Subaxnimo, haddii kale inta ka horeyso ay soo bixi doonaan go’aanno ku aaddan dacwaddaasi.

Ugu dambeyn Siyaasiyiinta Guddiga Farsamada uu u diiday inay ka mid noqdaan barlamanka cusub ee Soomaaliya, fadhiga Maxkamaddana ku sugnaa ayaa waxaa ka mid ah Siyaasiyiin 21-kii sano ee lasoo dhaafay saameyn kulahaa siyaasadda Soomaaliya kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Max’ed Qanyare Afrax, Cumar Max’ed Max’ud Cumar Fanish, Bootaan Ciise Caalin, Sheekh Aadan Max’ed Nuur Sheekh Aadan Madoobe, Xaabsade. Iyo Xubno kale oo horey kaga soo mid noqday barlamanka Soomaaliya.

Halkan Ka Daawo Sawirrada

Comments are closed.

Facebook

Twitter