Boosaaso ( Sh.M..Network ) – Xukunkan ayaa Maxkamada Gobolka Beri waxay ku fuleysey nin u horey u Diley Marxuum Cabdi samad xaaji xuseen xeer ilaaliyaha koowaad ee gobolka beri oo la hadlayey idaacada shabelle ayaa sheegey in ay xukunkaas ay fulisey waxaana la sheegey in ninka wax diley iyo ninka la diley ay isku guri degnaayeen .
Marka laga soo tago hadalka xeer ilaaliyaha ma jirto cid kale oo idaacada shabelle u xaqiijin karta muranka u dhaxeeyey balse waxa wararka qaar ay sheegayana in uu ka dhashay muran dhanka hoyga ay wada degnaayeen.
Dhanka kale wararka boosaaso naga soo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Booliska Puntland ay sameeyaa 24 kii saac la soo dhaafey howl galo lagu xaqiijinaayo amanaka isla markaasna ay ku soo qabqabteen ilaa 5 ruux oo falal amaan daro lala xiriirinaayo .
Howlgaladan ayaa imaanaya xili la sheegey in rag doonaya in falal amini daro kaa sameeyaan deegaanada puntland au gudaha u soo galaan waxaana taas ay keentey in howl galo looga hortgaayo ay sameeyaan ciidamada Puntland oo hada gacanta ku soo dhigey ilaa 5 ruux oo baaritaano lagu wado .























Comments are closed.