Minneapolis -(Sh.M.Network)—Max kamad kutaalla Magalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee dalka Mareekanka ayaa Xukun kuriday muwadin somaliyeed oo lagu eedeeyay in uu tageerayay Xarakada Al Shabaab.
Muwadin kani oo lagu magacaabo Maxamed Saciid Cumar ayaa waxa ay kuxukuntay maxkamadda magalada Minneapolis Xabsi da’in kadib markii ay sheegtay maxkamadu in lagu helay illa iyo 5-dambi oo dhamantoodba ku saabsan Argigixisanimo.
Maxkamadda Magalada Minneapolis ayaa sheegtay in dambiyada lagu helay Maxamed Saciid Cumar ay kamid yihiin inuu kaalmo ufidiyay ururka
Al Shabaab,inuu sameyay shirqoolo argagixisanimo,inuu fuliyay shirqoolo afduub ah,iyo inuu booqday Guri aad loo ilaaliyo oo kuyaalla dalka Mareekanka oo lagu qoro dadka kubiirayo Al Shabab isla markaasina halkaasi uu geeyay lacago ad utirabadan si loogu diro Al Shabaab hubna ugu iibsadaan.
Xakinka maxkamada magalada Minneapolis ayaa sheegay in dadka dambiyada loo heystay ay ahayeen ila iyo 18-nin oo lashaqeynayay Al Shabaab iyadoona
6-kamida la,amin sanyahay inay kudhinteen gudaha dalka Somalia qaar kalana ay kamaqanyihiin dalka Mareekanka
Ninkaan ayaa waxaa ku marqaati furay laba kamida dadkii ay il mahooda iyo eheladoodu kudhinteen dalka Somalia Maxamed Saciid Cumar ayaa waxa uu kashaqeynayay Masjidka Abuubakar Al sadiiq ee kuyaalla Magaalada Minneapolis ee dalka Mareekanka.
























Comments are closed.