Maxkamad ku socota Muwaadin Somaliyed oo eedeysan

maalik_som October 16, 2012 Comments Off

Minneapolis: (Sh.M.Network) — Maxkamad Federal ah oo ku taalla dalka Maraykanka ayaa qaadeysa Dacwad ka dhan ah Nin Soomaali ah oo lagu eedeeyay ku lug lahaanshaha dhalinyaro Soomaaliyeed oo la sheegay inay usoo safreen dalka Soomaaliya ay ugu biiraan Xarakada Al Shabaab. 

Max’ud Saciid Cumar oo 46-sano jir ah ayaa loo heystaa illaa shan dacwadood oo dhamaanba la xiriira Aargigixisonimada, waxaana ay FBI-da Maraykanka ay horkeeneen Maxkamad Cod ay sheegeen inay ka duubeen xilli uu la hadlayay Wiil Soomaali ah oo usoo safray Soomaaliya, kadibna ku biiray Xarakada Al Shabaab. 

Kain Van Denover oo ah Haweenay ka tirsan FBI-da islamarkaana gacanta ku haysa Shan Dacwo oo lagu eedeeyay Max’ud Saciid Cumar ayaa Maxkamadda Magaalada Minneapolis ka hor sheegtay in Dowladda Marayanka ay ku raad joogto inka badan 20-dhalinyaro ah oo uu eedeysanahaani u fududeeyay inay u socdaalaan gudaha dalka Soomaaliya si ay ugu bar bar dagaalamaan Xarakada Al Shabaab tan iyo Sanadii 2007-da. 

Sidoo kale Casey Villarreal oo ka tirsan FBI-da ayaa qiray in Cumar uu wada hadallo joogto ah la sameeyay qaar ka mid ah Dhalinyarada u safartay dalka Soomaaliya. 

Saraakiisha Maxkamadda qaadeysa Dacwaddaani ayaa sheegay in Max’ud Saciid Cumar lagu qabtay dalka Holland sanaddii 2009-ka xilligaasi oo uu doonayay inuu magan galyo ka helo dalkaasi. 

Ugu dambeyn Eedeysane Max’ud Saciid ayaa iska fogeynaya in uu ku lug leeyahay arrimaha lagu eedeynayo ee ah in uu ka tirsan yahay Ururka AL Shabaab, maadaama uu fududeeyay in dhalinyaro ku sugnaa Maraykanka ay ku biireen Al Shabaab.

Comments are closed.

Facebook

Twitter